Madaxweyne Hanbalyo maanta cimaamada lagaama haysan karo

0
Madaxweyne Hanbalyo maanta cimaamada lagaama haysan karo!
Madaxweyne Hanbalyo maanta cimaamada lagaama haysan karo!
Waxa beenoobay Mdx Biixi guul darada ma aqbalo, se waxaad ka dhigatay “Guushu boqol Aabbo bay leedahay laakiin guul darada Aabbo la’aanta baan guul u badashay.”
Doorashadani waxay na bartay waji cusub oo odaynimadaada iyo aqbalaadaada siyaasiga.
Tartankii iyo doorashadii hirdanka adkayd waxaad muujisay dhexdhexaadnimo waxaana marag sida xisbigaagi aqlabiyada labbada Gole looga qaaday aad u liqday, halbeegna ka dhigtay isku sidkanaanta labbada doorosho hanaanka wacan inoogu dhacday.
Sidoo kale Duqii horre sida gobonimada leh ee u aqbalay in aannu ku sii loolamin hoggaanka waa sumcada maanta aad bulshada tusaty, maadmo aadamuhu aannu jeclayn in ay doonistooda ka tanaasulaan waa raggnimo aad u fiican. “Kun guulood oo lagu mayl adaygo waxa ka qurxoon guuldaro si gobonimo leh loo aqbalo.” Siyaasadduna guuldarooyinka ayey marmar badan ku shaadh wacantahy.
Abdikarim Ahmed Mooge e waxaan u rajanyaa ka dhabaynta riyada iyo hilowga shacab badan qabaan. Kuna sii talo gal in jacaylka iyo hoggaamintu aannay meel wada gali doonin. waxa iman doona dharaaro qadhaadh oo go’aamada qaadanysa dad badani fahmi doonin ama aannay ka farxin doonin. Eebbe ha kugu asturo waxaan marag ka ahy inaad tahy adoon cibaado badan oo xadhiga Eebbe ku dhagan. Alle wakiil wehel uma baahna.
Mabadda Siyaasi oo bulshadeenu soo fahantay baa casharadan ku dhex jira kaas oo ah “Siyaasaddda laguma kala adkaado ee waa wada noolshee bulsho.”
Shacab goba oo shamac Geeska iyo Soomali oo idil ka dhex baxaya weeye reer Somaliland.
Yuusuf Tarabi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.