Madaxweyne Geelle Oo La Kulmay Madaxweyne Edogan

0

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha dawladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bookhasho laba maalmood ah oo Salaasada maanta ka bilaamaysa ku tagay waddanka Turkiga. Socdaalkiisa ayaa ka dambeeyay bookhasho rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Turkiga ayaa lagu sheegay in kulanka Ankara ee labada hoggaamiye lagu lafo guri doono arrimaha siyaasadda, ganacsiga, dhaqaalaha, Militariga iyo xidhiidhka dhaqan ee labada dal. Waxa kale oo ay isla eegi doonan qorshaha Turkigu bahwadaagta kula yahay Afrika iyo arrimaha gobolka xilligan ka taagan ee khuseeya labada dal.

Madaxweynaha Turkiga ayaa labada sanno ka hor bookhasho ku yimid Waddanka Jabuuti. Turkiga oo 2005 dib boodhka uga tumay xidhiidhkiisa Afrika ayaa hadda loo arka in uu meel fiican marayo xidhiidhka uu la leeyahay qaaradda gaar ahaana Bariga Afrika oo ah meesha uu ka galo.

Bookhashadan ayaa imanaysa xilli gobolka Bariga Dhexe uu ka jiro qalalaase ka dhashay Madaxweynaha Maraykanka ee Qudus u aqoonsaday caasimadda Yuhuudda. Turkiga ayaa hormuud ka ah arrimaha lagu diidan yahay qorshahan.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.