Madaxweyne Farmaajo Oo Martiqaad Shaki Siyaasadeed Leh Dibadda Ugu Baxaya

0
Madaxweyne Farmaajo Oo Martiqaad Shaki Siyaasadeed Leh Dibadda Ugu Baxaya

Madaxweyne Farmaajo Oo Martiqaad Shaki Siyaasadeed Leh Dibadda Ugu Baxaya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafdigii ugu ballaadhna ayaa lagu wadaa in todobaadkan ay booqasho rasmi ah ay ku tagaan magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Xogo ay warbaahinta Jowhar ee fadhigeedu yahay Somalia Madaxtooyada ka heshay ayaa sheegaya in wafdiga Madaxweynaha ay ku jiraan illaa lix Wasiir iyo Ganacsato, kuwaasoo heshiisyo iskaashi la soo saxiixan doona Wasiirrada dhiggooda ee Qatar.

Wararka ayaa sheegaya in booqashadan ay tahay mid rasmi ah, waana booqashadii labaad oo Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Qatar, kaddib markii uu sanadkii hore uu booqday.

Dowladda Qatar ayaa dhowaan la saxiixatay dowladda Soomaaliya mashaariic horumarineed oo ku baxaya illaa labo boqol oo malyuun, kaasoo ka mid ah dhismaha wadada isku xirta Muqdisho-Jowhar iyo Muqdisho-Afgooye.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Qatar ayaa ku soo beegmaya, iyadoo uu sii xumaanayo xidhiidhka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo horay xidhiidhka ugu jaray dalka Qatar.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in siyaasadeeda arrimaha dibadda ay u janjeedhisay dhinaca dalka Qatar, waxaana marka loo eego isu soo dhowaanshaha Madaxtooyada Soomaaliya iyo Qatar ay meesha ka saari kartaa mowqifkii dhex dhexaadnimada ee horay uga qaatay khilaafkii Khaliijka.

Socdaalkan la filayo in salaasadda uu ku tago Qatar Madaxweyne Farmaajo waxa ku xeeran tuhunno siyaasadeed oo ku saabsan in Qatar ka taageerayso dagaalka uu ka galay heshiiska Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya ee dekedda Berbera kaas oo la filayo in uu abuuro is xulufaysi iska soo horjeeda oo kala taabacsan Hargeysa iyo Muqdisho.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.