Madaxweyne Cagjar Oo Somaliland Imanaya

0
Gobolka Soomaalida Oo Ku Gacansaydhay Digiinta US

Madaxweyne Cagjar Oo Somaliland Imanaya
Madaxweynaha gobolka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa la filaya in uu Khamiista soo gaadho magaalada Hargeysa si uu dhagax dhigga Jidka Berbera-Wajaale ugaga qayb galo magaalada Berbera. Waxay wararku sheegayaan in uu wakiil ka yahay ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed.

Dhawaan wasiir Sacad Cali Shire ayaa sheegay in aanu hirgelin saamiga 19% ee maamulka dekedda Berbera laga siiyay dawladda Itoobiya sidaas awgeedna Somaliland iyo DP World oo kaliya ay leeyihiin shirkadda dekedda Maamusha.

Kadib kulankii Addis Ababa ku dhexmaray madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ra’isal wasaare Abiy Axmed waxa uu xafiiska ra’iisal wasaaraha Itoobiya sheegay in arrimaha laga wada hadlay ka mid ahayd ka faa’iidaysiga dekeddaha taas oo u muuqata in Itoobiya dib u danaysay dekedda.

Geesta kale madaxweyne xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo dhawaan ka soo laabtay Imaaraadka ayaa la sheegay in uu qaaday farriin nuxurkeedu yahay in Imaaraadku fuliyo waxyaabaha Somaliland ka faa’iidaysay heshiisyada dekedda iyo Saldhigga oo ay ka mid tahay jidka isku xidha Berbera iyo Itoobiya.

Sawirro muujinaya diyaar garowga goobta dhagax dhigga jidka Berbera-Wajaale iyo xogta imaanshaha Madaxweyne Cagjar waxa ay Sayruuqnews ka soo xigatay Suxufi Khaalif Foodhaadhi oo ka tirsan telefishanka Goobjoog.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.