Madaxweyne Biixi”Waxba Nooma Yeedhin Kartaan,”

0
Madaxweyne Biixi

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa weftiga beesha caalamka u sheegay in aanu qaadanayn wax iyagu u yeedhiyaan marka ay noqoto khilaafka ka taaggan arrimaha doorashooyinka.

Warbaahinta Somalilanchronicle oo soo xiganaysa ila kala duwan oo ka qayb galay kulanka ayaa ku warramaysa in madaxweyne Biixi xasuusiyay weftiga Beesha Caalamka in Somaliland leedahay taariikh dheer oo xallinta khilaafaadka ah.

Waxa uu weftiga u sheegay in Somaliland xallisato khilaafaadkeeda maxalliga ah, islamarkaana taageeradooda arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda awgeed aanay xaq u lahayn in ay wax u yeedhiyaan Somaliland.
Kulmiye Oo Aqbalay go’aamadii Ergada
Arrinta ugu weyn ee weftiga Beesha Caalamku kala hadlayay madaxweyne Biixi oo ay Khamiistii shalay la kulmeen wuxuu ahaa kala diridda guddida cusub ee Komishanka iyo soo celinta guddidii hore sidii ay ku talisay guddida dhexdhexaadinta mucaaradka iyo xukumadda.
Xisbiyada iyo Xukumadda Oo ka Hadlay Goaankii Gud Dhexdhexaadinta
Arrimaha madaxweyne Biixi ku dooday waxa ka mid ah in uu Beesha Caalamka ka filayay in ay kala hadlaan wax ka weyn muranka arrinta doorashada, islamarkaana ay ogaadaan in Somaliland cid uga lexo jeclo badan aanay jirin diyaarna u yahay xallinta arrimaha taaggan.
Eng Faysal Oo Ka Hadlay Lacagta Xisbiyada Laga Jaray
Weftiga ayaa la sheegay in ay Madaxweyne Biixi u sheegeen in guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof Aadan Xaaji Cali u sheegay in aanay jirin sharci hor istaagaya in guddida cusub la kala diro lana hawlgaliyo guddidii hore.

Weftiga uu hoggaaminayay safiirka Somaliland iyo Soomaaliya Mr Nicolas Berlanga oo ay weheliyaan safiirro door ah oo saaxiibada Somaliland ah ayaa la sheegay in sideen farriin culus oo ku saabsan mawqifkooda muranada soo noqnoqday iyo dib u dhacyada doorashooyinka Somaliland.

Weftiga ayaa la kulmay guddida dhexdhexaadinta oo ay u muuqato in ay ahmiyad weyn siiyeen, masuuliyiinta saddexda xisbi, ururada bulshada, guddoomiyaha maxkamadda sare iyo madaxweynaha oo ay weheliyaan  shirguddoonka labada gole.

Beesha caalamka ayay u muuqata in aanay ilaa hadda isu niyadsamayn madaxweynaha maaddaama aanay wada jir saxaafadda ula hadal sidoo kalena madaxweynuhu soo kaxaystay shirguddoonka baarlamaanka oo la sheegay in aanay u qorshaysnayn in ay la kulmaan.

Source: Somalilandchronicle

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.