Madaxweyne Biixi Oo Wasiirrada Ku Khasbay Ansixinta Miisaaniyadda

0
Madaxweyne Biixi Oo Wasiirrada Ku Khasbay Ansixinta Miisaaniyadda

Madaxweyne Biixi Oo Wasiirrada Ku Khasbay Ansixinta Miisaaniyadda

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in si weyn wasiirradu ugu kala qaybsameen miisaaniyadda 2018, islamarkaana wasiir walba ka yaabay qaabka ay u taallo laakiin, madaxweynaha ayaa wasiirrada u sheegay in sidaasi lagu ansixiyo waxaanay dhammaan gacanta u taaggeen in sidaas aanay ku qanacsanayn lagu ansixiyo.

“Golaha wasiirrada Dooddaa ina dhex martay wax badan baynu ku kala duwanaan karna oo ninba meel buu bahasha(miisaaniyadda) ka wareeray laakiin, waxaynu isugu soo ururay in iyada oo duruufo adag lagu jiro awgeed, iyada oo dhoofka xooluhu inaga xidhan yahay, iyada oo meelo badan abaaro iyo dhibaatooyin inaga jiraan in wasiir iyo wasaarad walba sidaas ay wax ku tabanayso ee miisaaniyaddu ku yar tahay ee dhibaatooyinka horyaalla miisaaniyadda la hor keenay ku yar tahay waxa lagama maarmaan noqotay in aynu sidaas ku hawlgalno oo dhexda Xidhano,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha oo wasiirrada la hadlayay ka hor inta aanu miisaaniyadda cod galin.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhibaatooyinka Somaliland haysta ay ka mid yihiin dhoofka xoolaha oo xidhan hadalkaas oo ka hor imanaya hadal dhawaan weftigii Imaaraadku ku sheegay in Sucuudigu xoolaha furayo Imaaraadkuna si dhakhso ah xoolo uga iibsanayo Somaliland “Dhibaatooyinka ina haysta ee xoolo xidhan leh ee abaaro leh waynu isla qaadanay, suuqiina sarrifkii wuu ruxmaya waxa ugu weyn ee xukumadda lagu canaantana waa in xukumaddu gunti giijis samayso oo kharashka yarayso,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu wuxuu wasiirrada uga mahadceliyay in mid walba isaga oo aan ku qanacsanayn qoondada ugu jirta miisaaniyadda haddana uu la qaatay ansixinteeda “Dimuqraadiyaddu waa in la doodo oo aad loo kala duwanaado haddana la soo ururiyo. Waxaan jecelahay miisaaniyaddu sidaas ay tahay in aynu ku gudbino oo ku qaadano,” Sidaas ayuu yidhi madaxweynaha oo sidaas cod ku galiyay miisaaniyadda.

Wasiirrada ayaa dhammaan ogolaaday miisaaniyadda “Aad iyo aad baad u mahadsan tihiin in xaaladda adag ee markii hore ka wada yaabanayn ee nin walba yaabana haddana gunti giijiska wada qaadanay oo aynu fulinay oo arrinta u badheedhnay aad iyo aad baan idiinku mahadnaqaya,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Miisaaniyadda ayaa la filaya in si dhakhso ah loo hor geeyo golaha wakiillada maaddaama miisaaniyadda oo la ansixiyo dabayaqaada sannadku habsan tahay ku dhawaad 4 bilood doorashadii dalka ka dhacday awgeed.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.