Madaxweyne Biixi Oo Wasiirrada Isugu Yeedhay

0

Warar hoose oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi golihiisa wasiirada ku war geliyay inay beri oo ah Salaasa kusoo xaroodaan dhamaantood xarunta madaxtooyada .

Waxaana loo badinaya in looga fadhiyo wasiir kasta inuu keeno wixii u qabsoomay , sidoo kalena lagu falan qeyn doono waxyaabaha qorsheysan iyo sida wasaarad kastaa u waajahayso .

Kulankan ayaa lagu wadaa inuu beri furmo cabaaro 8:00 subaxnimo ilaa 5:30 galinka danbe kaasoo socon doona ilaa maalinta labaad oo ah arbacada .

Majiro ilaa hada war rasmiya oo kasoo baxay dhanka madaxtooyada.

Marka laga imaado in kulan kan kusoo beegmayo laba sano kadib markii madaxweynaha loo dhaariyay xilka bishii December 13 2017 oo hada wakhti kooban ka hadhsan yahay

Waxaase soo baxaya warar kale oo sheegaya in qiimeyn lagu sameynayo wasiirkasta iyo siduu ugasoo baxay shaqadii loo xilsaaray , taasoo suuro gal ka dhigi karta in uu kadago tareenka xukuumada madaxweyne Biixi hadii madaxweynuhu ku qanci waayo siduu ugutay shaqadii loo xil saaray oo badan kood golaha wasiirada ay joogeen mudadaa labada sano ku dhaw.

Source: Faysal Fifa.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.