Madaxweyne Biixi Oo Si Kulul U Canaantay Masuuliyiinta Waxbarashada

0
Nuxurka Waraysi M. Biixi Siiyay Wakaaladda Euronews

Madaxweyne Biixi Oo Si Kulul U Canaantay Masuuliyiinta Waxbarashada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane muuse Biixi Cabdi ayaa si adag u canaantay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada oo uu kormeer kedis ah ku taggay. Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta wasaaradda iyo kuwa waaxyaha ka dalbaday in ay ka hadlaan wixii caqabado ah ee wasaaradda waxaanu ku canaantay caqabadaha qaar oo uu ku sheegay kuwo ay iyagu masuul ka yihiin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhammaan masuuliyiintii hadlay cabasho muujiyeen “Nin baa la yidhi xaggee ku xanuunaysa oo melena uma fayooba. Bal waxbarashada ka warrama ayaan idhi oo 10 agaasime ayaa hadlay oo mid walba wuu xannuunsanaya oo wax buu u baahan yahay meelna uma fayooba,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi

Madaxweynuhu wuxuu si kulul ula hadlay waaxda tacliinta sare ee wasaaradda “Qoladan tacliinta sare ee inoo qaabilsan ee agaasimuhu inagala joogo dee  32 Jaamacadood 54 dugsi sare way is leeg yihiin adduunyadana ma dhacdo, idinka uun baana ruqsadda bixiyay; qolada Militarigu may bixin, Caafimaadkuna muu bixin hawlaha guudna may bixin ee liisamada qoladiinan aqoonta ayuun baa bixisay, bal nooga soo jawaaba siday isu daboolayaan labadu mushkiladdaasi waa mid idiin taalla. Liiskanka aad bixiseen anagu jiidhi mayno wasaarad kalena may bixin 32 jaamacadood iyo 54 dugsi sare eedda idinka leh gari Illaahay bay taqaane, marka waxay sax ku noqonayso uun noo keena,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu wasaaradda ku canaantay in aanay hoggaamin meelaha laga dhisayo dugsiyada “Qodob kale oo ninkaas odayga ah ii sheegay oo uu yidhi ‘hay’adda ayuun baa meelaha iskuul ka dhisa iyaga oo aan na ogaysiin’ dee khaladkaana idinka leh. Hay’adda waxbarashada caawinaysa waa in ay raacda siyaasadda hoggaamineed ee wasaaradda, haddii ay ku diido noo soo sheeg anaga soo celine.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.