Madaxweyne Biixi Oo Safar U Baxaya

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa in uu galabta socdaal ugu baxo waddanka Ethiopia gaar ahaana Addis Ababa.

Weli ma cadda ujeedka socdaalka madaxweynuhu ku tegayo Ethiopia.

Addis Ababa oo madaxweyne Biixi, tegayo waxa ka socda shirka midowga Afrika oo ay ku sugan yihiin madaxda dawladaha Afrika oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Lama oga in labada madaxweyne kulmayaan iyo in kale.

 

Safarka madaxweynaha waxa xaqiijiyay saraakiil xukuumadda ka tirsan.

Source: Suxufi Xasan Galaydh

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.