Madaxweyne Biixi Oo Magacaabid Sameeyay

0
Biixi Oo Magacaabaya Guddida Wada Hadalka Somalia

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa isku shaandhayn ku sameeyay qaar ka mid ah agaasimeyaasha guud ee xukumaddiisa.

Magacaabista

  1. Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga.
  2. Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska.

  3. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

  4. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.

  5. Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

  6. Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada.

  7. Axmed Cabdirisaaq Diiriye Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka.

  8. Maxamed Axmed Xasan (Jabarti) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda.

  9. Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga.

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Amaal Cabdi Xasan
Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada

Ku: Maxamed Aadan Xirsi,
Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaa Qaranka.
ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.