Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Xaaladda Covid 19

0
Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Xaaladda Covid 19

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay Somaliland isu diyaarisay ka hortagga xanuunka Dunida ku faafaya ee Corona Virus, islamarkaana ay hadda kadib wasaaradda caafimaadku la wareegtay arrintan.

“Waxan ummadda Somaliland u sheegayaa inaynu maanta ku soconaynno awaamiirta wasaaradda Caafimaadka, cid kalena amar kama bixin karto oo kama warrami karto, aniga oo madaxweyne ahi waxan raacayaa amarka uu I siiyo Dhakhtarka u hadla wasaaradka caafimaadku, wasiirku tiisa ayuu raacayaa, Jananku tiisa ayuu raacayaa, saxafigu tiisa ayuu raacayaa, ninka Baayac-mushtarka ahina tiisa ayuu raacayaa, sidaasna waxa ku jirta danteenna si aynnu u nabadgalno,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.