Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Sii Daynta Maxaabiista

0
Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Sii Daynta Maxaabiista

Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Sii Daynta Maxaabiista

Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa go’aansaday in uu sii daayo dhammaan maxaabiistii Puntland ee ciidamada Somaliland ku soo qabteen dagaalkii Tukaraq oo horraantii sanadkii hore dhacay. Wareegto uu soo saaray madaxweynuhu ayaa lagu sheegay in dhammaan la sii daynayo maxaabiista oo 14 ah.

Qoraal kooban oo madaxweyne Biixi ku qoray boggiisa Twitter-ka ayuu ku yidhi “Aniga oo tixgelinaya ammaanka iyo nabadda gobolka waxa aan cafis madaxweyne u fidiyay dhammaan 14-kii Maxbuus ee Ciidanka Qaranka Somaliland kaga qabsaday Puntland dagaalkii Tukaraq.”

Geesta kale afhayeenka madaxweynaha Somaliland Md Maxamuud Warsame Jaamac ayaa sheegay in Somaliland laba maxbuus lagaga qabtay dagaalkii Tukaraq “Somaliland laba maxbuus ayaa laga qabtay, labada maxbuusna maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa gacanta ku haya anagu maxaabiistii aanu haynay waa naga sii daynay madaxweynuhuna waxa uu go’aansaday in uu 14-kaas maxbuus cafis u fidiyo,” Sidaas ayuu yidhi afhayeenka madaxweyne Biixi oo BBC-da la hadlay.

Afhayeenka madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in madaxweyne Biixi tallaabadan nabad ugu muujinayo beesha caalamka iyo Waddamada Gobolka laakiin, waxa uu meesha ka saaray in ay jirto wada hadal Puntland iyo Somaliland yeesheen in sii daynta maxaabiistu ku timid iyo in waliba ay wax xidhiidh ah Puntland kala sameeyeen sidii ay u soo dayn lahayd maxaabiista Somaliland si la isu dhaafsado maxaabiista.

Ma cadda in khilaafka Somaliland iyo Puntland ku degi doono sii daynta maxaabiista, sidoo kale ma cadda in maamulka Puntland soo dayn doonaan maxaabiista ay haystaan iyo in kale laakiin, madaxweynaha Somaliland oo cafiskan ka shaaciyay xuskii 18-ka May ayaa ammaan kaga helay Qaramada Midoobay iyada oo hadalkiisa lagu soo qaaday Golaha Ammaanka.

Khalad dhanka Sharciga ah

Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) ayaa si kooban u sharraxay khalad dhanka sharciga ah oo uu sheegay in uu ka muuqdo sii daynta madaxweynaha ee maxaabiista iyo in meesha ka maqan tahay maxaabiis la is dhaafsado  “Maxaabiista dagaalku (Prisoners of War) dembiilayaal la cafiyo maaha ee waxa maamula Mucaahadada Geneva. Marka dagaalku dhamaado waa in la isku celiyo. Waa mamnuuc in loola dhaqmo sidii dembiile. Waxay leeyihiin ilaalin gaar ah. Markaa erayga waa la cafiyay waa qalad. Maxabiista dagaalka waa la is waydaarsadaa. Hadii cid qudhi maxaabiis haysona (badiyaa ma dhacdee) way celisaa,” ayuu yidhi Mr Dafac.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.