Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Khilaafka Komishanka

0
Faallo: Muranka ka Dhashay Xubnaha Cusub ee KDQ,

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeedinayay furitaanka carwada caafimaadka ayaa difaacay Kaltuun Sh. Xasan iyo Cabdirashiid Riyo-raac oo xisbiga Waddani si weyn uga soo horjeedo, islamarkaana uu diiday in Komishanka lagu daro.
“Maalmahan waxaad maqlayseen sawaxan badan oo xisbiyada mucaaradka ah ka socday gaar ahaan xisbiga Waddani, wuxuu ku dacwooday sharcigii baa la jabiyay raaci mayno go’aanka baarlamaanka ka soo baxay, sharcigii baa laga booday, madaxwweynaha maroorsaday gartaa ma ogolin waa caadi oo qofku haddii uu wax tawdo in uu sheegto,” ayuu yidhi madaxweynuhu

Madaxweynaha oo difaacaya Kaltuun oo komishankii hore ka tirsanayd laguna daray komishanka cusub ayaa yidhi “Laba qodob ayay sheegteen; mid waxay yidhaahdeen komishanka cusub la shaqayn mayno waayo madaxweynuhu wuxuu jabiyay heshiiskii xisbiyada. xalaal iftin baa la qashaa xisbiyadu waanu heshiinay. waxay ku doodeen in lagu heshiiyay in aan xubnihii hore lagu soo celin oo aan kuwan dambe laga dhigin, haddii ay qodobkaas oo qoraal ah oo lagu heshiiyay hayaan anigu qodobka mana saxeexin, mana ogi kumanaanan heshiinine oo ma jiro ayaan leeyahay haddii ay hayaan umadda ha u soo bandhigeen haddii aanu qodobka ku heshiinay anaga ka gardarrane. qodobkaa laguma heshiin waxa lagu heshiiyay in la soo doorto 7 xubnood oo cusub>”
Waxa uu intaasi raaciyay in uu yaallo sharci aan la dhaafi karin oo xubnaha hore xaq u siinaya in ay soo noqon karaan.
Sida oo kale madaxweynaha oo difaacaya Cabdirashiid Riyo-raac waxa uu yidhi “Qodobka labaad waxa uu yidhi xubintaas anaga diidnay oo lagu dari maayo haddii lagu darana doorasho gali mayno haddii aanu Waddani nahay; anigu cidna kuwii ay soo gudbisay kuma faro gelin Waddani kii uu keenay waan gudbiyay, UCID kii uu keenay waan gudbiyay, Guurtida waan gudbiyay saddexdii ay aniga ila noqotayna waan ku daray, haddii aan qaldamo ama aan u badheedho aniga oo dantayda riixanaya waxa iga dambeeya guddida hoose ee Wakiillada iyo gole weynaha Wakiillada intii bay way mareen, guddidii way sii daysay golihiina wuu u codeeyay Yeeli mayno ayuu Waddani yidhi, digtaatooriyadda ka wayn baarlamaanka yeeli maayo xaggee lagu arkay? Cabdiraxmaan yaa taaba ka filayay nin wanaagsan oo shicib ah ayuu ahaa oo qoladan jabhadda ayaaba taa laga filayaye,”

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.