Madaxweyne Biixi Oo Ka Digay In La Siyaasadeeyo Colaadda Sool

0
The President H.E. Musa Bihi Abdi has sternly cautioned any distracters and wayward minded entities to desist from exploiting the unfortunate fatal incidences of clashes that occurred in southern Sool with the aim of cashing in politically. The President at the same time appealed for the second time to the warring brotherly communities to halt the animosity and observe peaceful co-existences.. The Head of State gave the caution and made the appeal yesterday, Saturday the 27th October 2018 at the Presidency at a function of sending off 380 students who were awarded educational scholarships granted by our Ethiopian neighbor. The President observed, “In recent days I have been hearing several politicians and individuals from the diaspora engaging in the matter (the unfortunate clashes) while politicizing it to capitalize from it”. He noted that the government has exerted a lot of effort to quell past similar clashes hence have invested a lot in the area security. He pledged that more inputs will be stepped up for the pacification efforts. He added that given that the armed forces has been in the area for two years the state will mobilize eminent personalities, elders, traditional and contemporary leaders, the clergy and as well as all concerned to see to it that no stone is left turned for the achievement of harmonious and peaceful setting preservation. He was categorical that “we shall never tolerate any other entity to propagate unwarranted objectives to undermine the security of Sool region. He said the collective effort and responsibility to resolve the recurrent skirmishes has its mobilization under way. By: M.A.Egge

Madaxweyne Biixi Oo Ka Digay In La Siyaasadeeyo Colaadda Sool
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si cad uga digay in siyaasad iyo ujeeddooyin kale oo gurracan looga faa’iidaysto colaadda ka dhex aloosan beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan deegaanka Dhumay ee koonfurta gobolka Sool.

Maalmihii la soo dhaafay maamul goboleedka Puntland ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay colaadda hurinayso waxaana jiray dhaawac laga qaaday aagga dagaalka oo la geeyay Garoowe kadibna Muqdisho la gaadhsiiyay. Inkasta oo madaxweyne Biixi sheegay in uu ogol yahay ciddii wax wanaajinaysa wuxuu si adag uga digay in ujeedooyin siyaasadeed loo isticmaalo wixii la qabanayo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadalkan ka jeediyey munaasibad lagu sagootinayey arday deeq waxbarasho ka heshay dalka Itoobiya, ayaa shaaca ka qaaday inaanay Somaliland marnaba u dulqaadan doonin cidkasta oo ujeeddooyin siyaasadeed uga faa’iidaysanaysa colaadda dhex taalla beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan gobolka Sool, Somaliland ahaanna ay hore tacab badan u geliyeen sidii dhibaatadaas loo dhammayn lahaa, haatanna ay soo dhaweynayaan cid kasta oo nabaddaas wax ka taraysa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,
“Maalmahan waxan maqlayey dad badan oo siyaasiyiin ah ama qurbe-joog ah oo arrintaas (shaqaaqada gobolka Sool) siyaasadaynaya, Somaliland horena tacab badan bay u gelisay oo laba sannadood buu ciidankeedu joogay, haddana xoog badan bay gelinaysaa, waxba kala hadhi mayso sidii colaaddaas loo dhammayn lahaa, ciddii nabaddaas wax ka taraysa ee madax-dhaqameed ah ee Islaax waddana way oggoshahay, ciddii caawimo bani’aadannimo dadkaas barakacay iyo kuwa dhaawaca ahna waannu oggolahay, laakiin ma oggolin cid siyaasadaysa oo ujeeddooyin kale maanta ka dhex aloosta gobolka Sool.”

Madaxweynuhu waxa uu markale bulshada walaalaha ah ee ku dhaqan deegaanka Dhumay u diray baaq nabadeed, waxana uu sheegay in xukuumaddu ku hawllan sidii culimo, madax-dhaqameed iyo dawladba loogu gurman lahaa dadka dagaallamaya,
“Waxannu mar labaad ugu baaqaynaa shacabka gobolka Sool in colaadda la joojiyo oo caqligu shaqeeyo, Somaliland-na hore gurmad way u gashay, haddana way gelaysaa, waxaana aannu ku dedaali doonnaa wixii culimo, aqoonyahan, madax-dhaqameed ahiba inuu u gurmado gobolkaas Sool, si nabad looga dhaliyo, dadka halkaas joogana waxannu ugu baaqaynaa inuu Ilaahay colaadda ka jabiyo, khilaafkana ka saaro oo uu nabadgelyo kusoo dabbaalo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.