Madaxweyne Biixi Oo Isku Shaandhayn sameeyay

0

Madaxweyne Biixi Oo Isku Shaandhayn sameeyay

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa xilka qaadis, Magacaabis iyo bedelaad sameeyay.
Inkasta oo aan la shaacin isku shaandhaynta haddana Warar soo baxay ayaa sheegay in madaxweyne Biixi xilkii ka qaadey taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Gen Xassan Cali Dheere isla markaan uu xilka taliye ku xigeenka Asluubta u magacaabey taliye ku xigeenkii Ciidanka Booliska Gen C/Raxmaan Liibaan Fooxle

Sidoo kale wararkan xog ogaal ah ayaa sheegaya in madaxweyne Biixi taliye ku xigeen cusub u magacaabey masuul cusub

Ilaa hada ma jirto warqad warbaahinta loo soo gudbiyey oo ku saabsan xil ka qaadista iyo magacaabista masuulyiinta balse xogo ilaysnews.com soo gaadhey ayaa sheegaya in taliyayaashan warqadaha toos loogu geeyey
Source: Ilaysnews

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.