Madaxweyne Biixi Oo Iska Fogeeyay Masuuliyadda Caqabadaha Doorashada Hor Taaggan

0
Madaxweyne Biixi Oo Iska Fogeeyay Masuuliyadda Caqabadaha Doorashada Hor Taaggan

Madaxweyne Biixi Oo Iska Fogeeyay Masuuliyadda Caqabadaha Doorashada Hor Taaggan
Madaxweynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dhammaan iska fogeeyay masuuliyadda caqabado culus oo aanay doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanku qabsoomi Karin ilaa xal loo helo. Masuuliyadaha caqabadahan ayuu iskaga riixay golaha wakiillada iyo xisbiga Waddani, halka uu kala dirista Komishanka ku adkaystay in aanu kala dirayn maaddaama aanu ku qanacsanayn sababta loo kala dirayo.

Caqabadaha waaweyn ee doorashooyinka la filayay in ay qabsoomaman horraanta sanadka soo socda hor yaalla waxa ka mid ah guddida doorashada oo xisbiga Waddani sheegay in aanu galayn doorasho ay qabanayaan, saami qaybsiga golaha wakiillada oo aanay gobolladu ogolayn in mar dambe sida ay hadda ku fadhiyaan lagu galo iyo arrimo kale.

Madaxweyne Biixi ayaa masuuliyadda xal u helida saami qaybsiga wakiillada iskaga riixay golaha wakiillada “Wixii sharci ah ee doorashada ku xidhna waxaan u gudbiyay baarlamaanka; Waxa ka mid ah reeraha Gabooyaha wixii laga yeeli lahaa, waxa ka mid ah saami qaybsiga baarlamaanka leh sharciyan iyaga sharciga dejiya waa golohoodii iyaga waayo arag ah iyaga looga fadhiya,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in aanu kala diri Karin Komishanka oo ah arrinta labaad ee caqabadda ku ah doorashooyinka “Komishanku wakhti ayuu leeyahay. Anigu ma kala eryi karo imika,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi oo intaasi ku daray in loo baahan yahay in uu guddi saaro guddidaasna ay mid mid u eedayso guddida laakiin, waxa uu yidhi “Waa in aan anigu ku qanco horta sababta loo kala dirayo.”

Madaxweyne Biixi wuxuu arrimaha doorashooyinka kaga baxay in ay Waddani u daldalan yihiin “Marka waa la sugaya xisbiga Waddani inta uu isagu go’aan gaadhayo waxay (Doorashadu) u daldalan tahay go’aanka Waddani,” sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Maxaa sii adkaynaya kala dirista Komishanka?

Sida uu hadalkiisa ku suntay madaxweyne Biixi oo leh bilawga dacwaynta Komishanka waxa uu gabi ahaanba diidan yahay sababaha lagu eedeeyay guddida doorashada. Waxa uu diidan yahay in guddida sharciyaysay kursiga uu ku fadhiyo la duro taas oo sharci darro ka dhigaysa kursiga uu fadhiyo ama in uu doorasho xaaraan ah ku soo baxay .

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in doorashadii madaxtooyada lagu shubtay waxa uu aamminsan yahay in guddida uu eedeeyay haddii mar kale ay doorashada qabtaan loo arkayo in uu markii hore eedaymo been abuur ah waday, sidoo kalena guddida hadda uu godobsaday aanay marka xiga caddaalad u fali doonin, islamarkaana ay tahay in uu go’aankiisa ku adkaysto.

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa isna ku doodaya in guddida lagu daro laba xubnood si ay saddexda xisbi tiro siman ugu yeeshaan lana bedelo sharciyaddooda laakiin, arrintaas lafteeda waxa diidan madaxweyne Biixi.

Tani waxay ka dhigaysa in aanay doorasho dalka ka qabsoomin, islamarkaana ay sii godo sumcadda dimuqraadiyadda Somaliland oo aan markii hore cago ku taagnayn arrimo la xidhiidha muddo kordhimo soo noqnoqday awgeed.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.