Madaxweyne Biixi Oo Durba Buriyay Amar Uu Todobaadkan Soo Saaray

0
Madaxweyne Biixi Oo Durba Buriyay Amar Uu Todobaadkan Soo Saaray

Madaxweyne Biixi Oo Durba Buriyay Amar Uu Todobaadkan Soo Saaray

Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in madaxda dawladdu sheegto dhibaatooyinka iyo caqabadaha haysta shaqada ay Qaranka u hayaan si ay bulshadu ula fahanto oo xalka qayb uga noqoto. Madaxweynaha oo shalay bookhday wasaaradda waxbarashadu waxa uu masuuliyiinta waaxyaha waydiiyay in ay ka hadlaan dhibka haysta waxbarashada isna uu dhegaysto lagana sii daayo warbaahinta.

“Nin baa la yidhi xaggee ku xanuunaysa oo meenna uma fayooba. Bal waxbarashada ka warrama ayaan idhi oo 10 agaasime ayaa hadlay oo mid walba wuu xannuunsanaya oo wax buu u baahan yahay meelna uma fayooba,” Sidaas ayuu kaga dareen celiyay madaxweynuhu hadalkii masuuliyiinta.

Waxa kale oo uu ujeedada ku sheegay in ay muhiim tahay in aanay dawladdu qarsan mushkiladaha jira ee ay bulshada saxaafadda u mariso si wixii la isula dareemo “Waxeenu wuxu ahaanaya transparency(Daahfurnaan) waxba aad u guulwadayn mayne si transparency ah ayaynu u hadlayna oo qof walba xil baa saaran. Farsamada iyo waxa la doonaya waxay ka soo bilaamaysa qofka aqoonta u leh, tiisa ayuun baad dhegaysan ilayn isaga kaaga aqoon badane dabeedna siyaasad baad u rogo haddana sharci baad ka dhigi marka la isla ogolaado, marka sababta aan u lahaa hadla oo aan is dhegaysano_ intiinii hadashayna hadalkoodii waanu hayna saxaafadduna way haysa oo way sii daynaysa,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu intaasi raaciyay in ujeedadu tahay in shacabku ogaado dhibka waxbarashada haysta “Shacabka dhegaysanaya waxay ogaanayaan dhibaatada ay qabto waxbarashadu iyo halka ay ka fadhido, hadhaw marka xalka la doonayana qayb buu ka yahay ilayn wixii buu kula og yahaye, haddii se adigu wax qarsato oo wax uun laga doono waa mushkilad,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Inkasta oo hadalkiisan madaxweynuhu ku sheegay in masuul walba xil saaran yahay islamarkaana siiyay fursad aanay ku guul wadayn haddana aragtidan madaxweynuhu waxay ka hor imanaysa amar uu dhawaan u qaybiyay hay’addaha dawladda.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa 4-tii bishan baahiyay in amarro la dul dhigay wasiirrada iyo shaqaalaha dawladda kuwaas oo madaxweynuhu culays ku saarayo la hadalka saxaafadda, halka shaqaalahana la amray in aanay amar la’aan saxaafadda u warramin. Arrimahan ayaa u muuqda kuwo is khilaafsan maaddaama hadda madaxweynuhu sheegayo in masuuliyiintu si daahfurnaan ah u hadlaan iyaga oo xilka saaran ku salaynaya laakiin, uu jiro amar kale oo masuuliyiinta hor yaalla.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.