Madaxweyne Biixi Oo Dhalliilsan Beesha Caalamka

0
Madaxweyne Biixi Oo Dhalliilsan Beesha Caalamka

Madaxweyne Biixi ayaa dhalliilay in beesha caalamku ka bixiso lacagta ku baxda qabashada doorashooyinka Somaliland, waxaanu sheegay in aanay Somaliland meelna gaadhayn inta dhaqaalaha doorashada ay cid kale ka bixinayso.

Madaxweynaha oo maanta ka hadlayay arrinta doorashadu wuxuu caqabadda ugu weyn ee doorashooyinka Somaliland hor taaggan ku tilmaamay dhaqaale la’aan waxaanu arrimo basiid ah ku tilmaamay xallinta khilaafaadka siyaasiga ah ee arrinta Komishanku ka mid tahay.

“Doorashada Saddex qodob baa hor taaggan; ka ugu muhiimsan waa dhaqaalaha. Waxa aan leeyahay Somaliland haddii ay dhaqaalaha Doorashada bixin waydo oo cid kale ka bixiso waligeed socon mayso. Qof taladiisii cid ka bixisay ama qof taladiisii cidi u maamusha dee meel ma gaadho. Waynu bixin karna, wax badan maaha; dawlad, ganacsato, dadka, ka shaqaynaya oo hawsha yareeya inaga oo aan u aragna doorashada nin kursi doonaya ee aynu u aragno nolosheenii iyo maamulkeenii oo aynu isugu tagno waynu qabsan karna ee waynu is yeelyeelayna,” Madaxweyne Biixi ayaa sidaas yidhi.
Madaxweyne Biixi Oo Iska Fogeeyay Masuuliyadda Caqabadaha Doorashada Hor Taaggan
Madaxweyne Biixi oo arrintan si kulul uga hadlayay ma sheegin in Beesha Caalamka ee dhaqaalaha doorashada ka taageerta Somaliland bixin wayday dhaqaalihii waxaana loo fahmi kara in madaxweynuhu ka damqaday culaysyada beesha caalamku saarto Somaliland si doorashooyinku wakhtigooda ugu qabsoomaan.
Shan Sababood Oo Muujinaya In Aanay Somaliland Ka Qabsoomayn Doorashada Wakiilladu Sannadkan 2019-Ka
Beesha Caalamka ayaa loo arka in aanay madaxweyne Biixi isku san banaanayn maaddaama ay si weyn uga soo horjeedaan dib u dhaca doorashooyinka oo ay dhawaan sheegeen in ay dhaaftay meeqaam kasta oo dimuqraadiyadeec kadib goleyaasha wakhtiga dheer fadhiyay.
Caqabado Waaweyn Oo Horyaalla Doorashooyinka

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.