Madaxweyne Biixi Oo Dagaal U Iclaamiyay Soomaaliya

0
Madaxweyne Muuse Muxuu Ku Sheegay Cabirka Shaqa La`aanta Dhallinyaradda

Madaxweyne Biixi Oo Dagaal U Iclaamiyay Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horaysay ka jawaabay dhawaaqa Ra’isal wasaaraha Somalia Md Xasan Cali Khayre kaga horyimid heshiiska Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya ee dekedda Berbera waxaanu sheegay in naxliga lala daba socdo dekedda Berbera yahay dagaal ay Somalia ku soo qaaday Somaliland.

“Xorriyaddayadu kumay iman sheeko-baroley iyo hadal, dhiiggayaga oo aanu hurnay bay ku timi, maantana tii baa lagu hayaa, maantana colaad horleh iyo dagaal baad abuurtay, waxaana aanu u qaadanaynaa inaad dagaal cad kusoo qaadday Somaliland_waxad qaadday ICLAAN DAGAALE GUDDOON,” Sidaas ayaa ka mid ah luuqadda adage e Madaxweyne Biixi kula hadlay Soomaaliya.

 

Warar soo baxay ayaa sheegaya in dawlado dhawr ah oo Qadar iyo Turkigu ka mid yihiin ku taageerayaan xukumadda Muqdisho dadaallo lagu curyaaminayo heshiiska saddex geesoodka ah ee dekedda Berbera. Soomaaliya ayaa kulanka jaamacadda Carabta gaynaysa ashkato ka dhan ah heshiiska sidoo kale waxa la sheegay in ay warqad u dirtay Qaramada Midoobay.

Hase ahaatee dadka falanqeeya siyaasadda Geeska ayaa sheegaya in aanay Somalia awoodin in ay hor istaagto saamiga 19% ah ee dekedda Berbera laga siiyay dawladda Itoobiya. Sidoo kale Imaaraadka oo faro gelin baahsan ku leh Somalia ayaa difaacaya danihiisa Berbera.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.