Madaxweyne Biixi Oo Amar Dul Dhigay Masuuliyiintiisa

0
Madaxweyne Oo Si Adag Uga Hadlay Taliyeyaal La Dilay

Madaxweyne Biixi Oo Amar Dul Dhigay Masuuliyiintiisa
Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta dhagax dhigay dhisme lagu kordhinayo cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa. Waxa kale oo uu ka qayb galayaa furitaanka Carwada 8-aad ee Somaliland oo saaka Hargeysa ka furmaysa.

Madaxweyne Biixi oo hadal ka jeediyay dhagax dhigga cisbitaalku waxa uu sheegay in aan dalka dibaddiisa lagu daweyn doonin masuuliyiinta xukumaddiisa ee xanuunsado balse la keeni doono dhakhtarka weyn ee Hargeysa si kor loogu qaado aamminaada bulshada ee cisbitaalka.

“Si cisbitaalka guud loo aammino , waa in aan madaxda dibadda loo la cararin markay bukoodaan. Maanta laga bilaabo wasiirka iyo agaasimaha xanuunsada waa in cisbitaalka la keena,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Cisbitaalka weyn ee Hargeysa oo dawladdu maamusho ayay bulshadu ka door bidda dhakhtarrada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dibadaha iyada oo inta badan madaxda dawladda ee xanuunsada loo qaado cisbitaallada dibadaha laakiin, lama oga in cisbitaalka Hargeysa awoodo dawaynta dadweynaha iyo masuuliyiinta maaddaama inta badan dhakhaatiirka waddanku leedahay cisbitaallo gaar ah.
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.