Madaxweyne Biixi Miyuu Ku Khaldana Eedaynta Talyaaniga?

0
Daawo: Dareenka Ardayda Jaamacadda Burco Iyo Doodda Madaxtooyada

Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, markii uu Axadii ka soo laabtay safarkii uu ugu maqnaa dalka Guinea, waxa hadalkii uu saxaafadda siinayay ku daray eedo uu u jeediyay dawladda Talyaaniga oo nuxurkoodu ahaa in Talyaanigu hormuud ka ahaa culaysyada la doonayay in la saaro dalka Guinea iyo Madaxweynahooda si ay u baajiyaan soo dhawayntii uu dalka Guinea u sameeyay Madaxweynaha iyo weftigiisa.

 Madaxweyne Biixi wuxuu Talyaaniga ku eedeeyay inuu u shaqaynayay dawladda Soomaaliya ee cadaadiskaas waday, wuxuuse Madaxweyne Biixi sheegay inuu Madaxweynaha Guinea gaashaanka u daruuray culayskaas Talyaaniga. Madaxweyne; maaha markii koowaad, mana noqonayso markii u dambaysay ee uu Talyaanigu ka shaqeeyo dibin-daabyada Somaliland, laakiin intaasba waxa ay Somaliland kaga soo gudbaysay dedaalo diblomaasiyadeed oo ay kaga hortagaysay talaabooyinka Talyaaniga.

Madaxweynuhu wuu  ku amaananyahay inuu shacabkiisa u waramo ama uu la wadaago xogo muhiim ah si ay u feejignaadaan. Laakiin haddana in diblomaasiyadda la ilaaliyaa iyaduna waa muhiim.

Eedda uu Madaxweyne Biixi Talyaaniga u jeediyay oo ahayd mid uu warbaahinta toos ugu mariyay marka koowaad waxay Somaliland u abuuri kartaa cadaawad siyaasadeed oo hor leh, marka labaadna waxay dawladda Soomaaliya u samaynaysaa hiil iyo inay hesho cid garab istaagta oo ku taageerta dagaalka ay Somaliland kula jirto.

Hadalkaas waxay dawladda iyo  madaxta Talyaanigu u qaadan karaan maag oo waxay sii xoojin kartaa dedaalada uu kaga soo horjeedo Talyaanigu danaha Somaliland.

Madaxweyne; Somaliland maanta taag uma hayso, mana laha awood ay iskaga difaacdo dagaalo siyaasadeed oo kaga yimaada dunida, gaar ahaan dalalka reer Yurub. Talyaanigu wuxuu ka yahay xubin fir-fircoon oo saamayn leh Midawga Yurub oo ka mid ah quwadaha waawayn ee dunida ka jira. Matalan madaxda sare ee Midawga Yurub oo ay badiyaa qaybsadaan quwadaha Yurub wuxuu sanadkan muwaadin Talyaani ahi ku guulaystay inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Midawga Yurub. 

Adigoo og cadowgaaga ayaa haddana laga dheeraadaa inaad wadanka cadowgaaga ah hadalo kul-kulul warbaahinta u mariso, si aanay xaaladu faraha uga sii bixin, waxaana taas bedelkeed loo maraa jidadka diblomaasiyadeed ee ay dawladuhu ku xidhiidhaan. Diblomaasiyadda, nooca loo yaqaan Soft power diplomacy, ayaa maanta dunida noqotay qaaciido faa’iidoyin badan keentay, nuxurkeeduna wuxuu yahay inaad awood u yeelato inaad soo jiidato cid kasta oo kaa soo horjeeda adigoo samaynaya galaan-gal diblomaasiyadeed, halkii aad dagaal toos ah kaga hortagi lahayd. Waa aalad dabacsan oo ay dawladuhu isticmaalaan si ay danahooda ugu guulaystaan.

Maadaama oo aanay Somaliland haysan ictiraaf islamarkaana aanay lahayn quwad ciidan oo ay aduunka ugu cago juglayn karto, hubka u fiican ee ay Somaliland haystaa waa diblomaasiyad, galaangal iyo dadaalo xirfadaysan oo si il-baxnimo sare leh, lana jaan qaadsan borotokoolka iyo shuruucda caalamiga ah ee diblomaasiyadeed loo qaado.

Waa inay Somaliland ka dheeraataa inay ku dhacdo dabinka ay dawladda Soomaaliya la doonayso oo ah in dagaalo wejiyo badan lagu soo qaado, waana inay Somaliland ka taxadirtaa inay samaysato cadow ama cadowgeeda sii xoojiso sida ay Soomaaliya cadow uga dhigatay dalka Guinea oo aanu xidhiidh diblomaasiyadeed, mid ganacsi iyo mid isu socod toona ka dhaxayn. Somaliland waxa looga baahanyahay inay saaxiibadeedii hore sii xoojiso, kuwo cusuba samaysato gaar ahaan xidhiidh la bilowdo dalalka ay u aragto inay Soomaaliya isku xidhanyihiin si ay markaas Soomaaliya xidhiidhka ugu jarto dalalkaas una sii gasho go’doon diblomaasiyadeed oo ah midka ay Somaliland la doonayso.

 Madaxweyne; adigoo aqoonsan cadowgaaga oo ka war haya talaabooyinkiisa haddana waxa lagula dhaqmaa diblomaasiyad, dagaalka warbaahintuna ma soo kordhiyo faa’iido, waxa keliya oo uu sababaa in siyaabo kala duwan cadowgaagu u turjumaan hadaladaada. Cidda ay Somaliland is hayaan waa dawladda Soomaaliya, cid kasta oo garab siisa waa inay Somaliland si hoose ula xidhiidhaa ugana shaqaysaa inay kasbato si ay ugu yaraan u yarayso halista kaga iman karta.

Ugu danbayntii, waxa u baahan fiiro gaar ah iyo feejignaan hadalada warbaahinta laga sheegayo, gaar ahaan kuwa xidhiidhka tooska ah la leh ama la yeelan kara dalal shisheeye. Diblomaasiyaddu iyo xidhiidhka debedeed mar ayay yihiin sida quraarada oo ay ilaalo u baahanyihiin, mar bay sabaalo iyo farsamo yihiin. Iyada oo madaxwaynuhu ku amaanan yahay inuu shacabkiisa u waramo, taladu waxay tahay gebi-dhaclaynta dunida iyo is-bedelka xawliga ah ee socdaa wuxuu u baahan yahay feejignaan wayn.

Geeska Afrika

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.