Madaxweyne Biixi Miyuu Ku Gacan-saydhay Beesha Caalamka?

0
Ergayga EU-da Oo Niyad Jab Kala Huleelay Hargeysa

Madaxweyne Biixi, ayaa ku adkaystay go’aankiisii ahaa in aanu beddelin xubnaha guddida doorashooyinka ee mucaaradku ka cabanayo.

Ilo xogogaal ah ayaa ii sheegay in madaxweynuhu wefdigii midowga Yurub ee dhexdhexaadinta u yimi Hargeysa u sheegay in arrintu u taallo golaha Wakiillada Somaliland in ay diidaan ama yeelaan balse aanu isagu xilligan waxba ka beddelayn.

Labada xisbi Mucaarad oo hore u diiday qaar ka mid ah xubnaha madaxweyne Biixi, soo magacaabay ayaa la filayaa in ay go’aankooda dhawaan la wadaagaan shacabka.

Xigasho: Hassan Galaydh

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.