Madaxweyne Biixi Iyo Dr Cirro Oo Addis Ku Kulmay

0
Madaxweyne Biixi Iyo Dr Cirro Oo Addis Ku Kulmay

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI  Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa xalay ku kulmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo ay labadooduba ku sugan yihiin.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka laakiin, ilo xogogaal ah ayaa wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay kulanka oo ahaa mid casho ah oo ka dhacay hotelka madaxweyne Biixi degan yahay.

Kulanka ayaa la sheegay in ay jilbaha isku dhigeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha oo ay kala weheliyaan Dr Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiir Siciid Sulub Maxamed iyo odayaal kale oo reer Somaliland ah waxaana la filaya in ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda Somaliland oo ay ugu horayso arrinta doorashooyinka iyo muranka Komishanka.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.