Madaxweynaha Turkiga Oo Qaddiyadda Qudus Ee Maraykanku Codka Qayaxan Ku Diiday U Wareejinaya Golaha Guud Ee Q/M

0

Ankara(Sayruuq) Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shir jaraa’id kuwada qabtay caasimadda Turkiga ee Ankara oo ay maanta ku kulmeen. Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrimaha gobolka iyo iskaashiga labadooda dal.

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa sheegay in qaraarka magaalada Barakaysan ee Qudus uu u wareejinayo golaha guud ee Qaramada Midoobay “Waxaan mar kale martiqaadaya dhammaan waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay si ay u difaacan xaaladda taariikhiga ah ee magaalada Qudus,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Erdogan oo ay saxaafadda la wada hadlayeen Madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha Turkigu wuxuu sheegay in ay sii wadayaan difaacidda Qudus ilaa dhammaadka ay ka midho dhalinayaan. Qaraarkan ayuu cusboonaysiiyay markii uu socon waayay qaraar ay wadday dawladda Masar.

Dawladda Masar ayaa golaha ammaanka Qaramada Midoobay u soo gudbisay qaraar lagu dalbanayo in lagu diido go’aanka Maraykanku Qudus ugu aqoonsanayo caasimadda Yuhuudda. 14 dal ayaa qaraarka isku raacay laakiin, Maraykanka ayaa awoodda diidmada qayaxan(Veto power) ku hor istaagay sidaasna waxa ku socon waayay qaraarka ay isku raaceen 14 dal oo ka mid ah 15-ka Waddan.

Dhawaan ayaa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iclaamiyay in uu caasimadda Israel u aqoonsaday Qudus una soo rarayo safaaraddiisa Tel Aviv ee caasimada Yuhuudda. Arrintan waxa diiday dunida marka laga reebo Isra’iil iyo Maraykanka.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.