Madaxweyne Erdogan Oo Maanta Muqdisho Kasoo Degay Iyo Ammaanka Oo La Adkeeyey

0

Muqdisho(Sayruuq)-Madaxeynaha Dalka Turkiga, ayaa maanta duhurkii kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Maagaalada Muqdisho, isagoo kasoo kicitimay Dalka Djibouti oo uu habeeno joogay.

Turkey’s President Tayyip Erdogan addresses the media at the Presidential Palace in AnkaraDiyaaradda Waftiga Waftiga Madaxweynaha Sidday, ayaa wefdiga Madaxweynaha Turkiga ka soo duulisay Garoonka Magaalada Djibouti, halkaasoo labadii habeen ee ugu dambeysay ay ku hoydeen.

Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo masuuliyiin kala duwan, waxana u madaxweyne Erdogan xadhiga ka jaray Terminal cusub.

Dhanka kale Garoonka Aadan Cadde iyo Goobo kale oo magaalada Muqdisho ah, ayaa waxaa ku sugan Ciidamo Turki ah oo si gaar ah u tababaran, si ay u suggaan ammaanka Hogaamiyaha Wadanka Turkiga.

Madaxweyne Erdogan, ayaa lagu wadaa inuu xadhiga Isbitaalka Digfeer, oo qalabayn ballaadhan uu Turkigu ku sameeyay.

Dowladda Somaliya, ayaa waxay maalmihii ugu dambeysay ay Magaalada Muqdisho ka waday qaban qaabo ballaadhan, oo ay ugu diyaar garoobeyso soo dhaweynta wefdiga Madaxweyne Erdogan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.