Madaxweynaha Turkiga Oo Ka Hadlay Mooshinka Xilka Lagaga Qaadayo Madaxweyne Farmaajo

0

Madaxweynaha dawladda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka digay mooshin xilka lagaga xayuubinayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo la sheegay in qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanku wadaan.

Madaxweynaha Turkiga oo waraysi lala yeeshay kadib socdaal uu ku yimid Suudaan ayaa la waydiiyay aragtidiisa mooshinka ka dhan ah Farmaajo waxaanu ku jawaabay “Anaga aad bay muhiim noogu tahay wada jirka iyo walaalnimada Soomaaliya. Haddii mooshinka baarlamaanka Soomaaliya yahay mid waxyeelaynaya wada jirka iyo walaalnimada Soomaalida aad baan uga murugoonaya.

Wax faahfaahin ah kama hayo mooshinkan xil ka xayuubinta ah laakiin, waxaan rajaynaya in aanu noqon mid waxyeelaya wada jirka Soomaaliya. Waxaan rajaynaya iyo bulshada Soomaaliya ilaashato walaalnimadooda.”

 Halkan Ka Dheeho warbixintan

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.