Madaxweynaha Soomaaliya Oo Xadhiga Ka Jaray Xaruntii Ciidamada Cirka Ee Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho(Sayruuq)-Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray xaruntii ciidamada cirka ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda dib u howlgalinta Xaruntii Ciidamada Cirka ee Afisyoone ayaa waxaa ka qeyb galay taliyaha ciidamada xoogga dalka soomaaliya, taliyaha ciidamada cirka, taliyaha Nabad Sugidda, Xeer ilaaliyaha guud iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.
Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay taliyaha ciidamada cirka ee dowladda Soomaaliya, Gen. Maxamuud Shiikh Cali waxa uuna ku dheeraaday taariikhda ay soo martay xarunta ciidamada cirka oo uu sheegay in ay aheyd meeshii ugu horeysay ee lagu aasaasay ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.