Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Doorashada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

0

Hargeysa(Sayruuq) Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku bogaadiyay Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Waxa uu sheegay in uu dardar gelin doono wada hadallada u dhexeeya labada dal.

“Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharraxiintii ku tartamay Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen. Waxaan si dhaw ula socday hannaanka diiwaan gelinta, olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Farmaajo.

Waxa uu intaasi raaciyay “Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.”

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa aamminsan in wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya u socday intii u dhexaysay 2012 ilaa 2015 ahaayeen kuwo madhalays ah oo aan midho dhalin laakiin, lama oga sida ay isula jaanqaadi doonaan Mudane Farmaajo oo ku luuqeeya midnimada Soomaaliya Iyo Mudane Muuse oo ku adag qaddiyadda JSL.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.