Madaxweynaha Somaliya Oo Sheegay Inay Somaliland Hada Aad Isugu Soo Dhawaadeen

0

Hargeysa(Sayruuq)- Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku sugan wadanka Maraykanka ayaa wada hadalada u socda Somaliland iyo Somaliya u weeciyay sida uu jecelyahay, waxaanu sheegay in ujeedada wada hadaladu tahay soo celinta midnimadii burburtay ee Somaliya.
Siilanyo-iyo-xasan-548x330
Xasan Sheekh, oo shalay khudbad ka jeediyay machad Maraykan ah oo lagu magacaabo Brookings, waxa lagu weydiiyay su’aal ku saabsanayd Somaliland iyo qorshihiisa uu mustaqbalka dheer ku waajahayo. “Midnimada wadanka Somalia waa ahmiyadayda koowaad, waanan bilaabay markii aan xafiiska imidba.” Ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuu sheegay inay Somaliland iyo Somaliya wada hadalo uga socdaan wadanka Turkiga, kuwaaas oo uu sheegay in marka wax kale laga tago ay dhaleen in la wada hadlo taas oo uu tilmaamay inaanay laba sanadood ka hor dhici jirin “Waxa jira wada hadalo nooga socda Somaliland; Turkiga. Afar kulan ayaa sannadkii hore iyo horaantii sannadkan qabsoomay waanay socdaan. Aad iyo aad ayaanu iskaga soo dhawaanay sidii aanu laba sannadood ka hor ahayn. Laba sannadood ka hor maanu wada hadlayn, ugu yaraan hadda waanu wada hadlaynaa.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliya. Wuxuu sheegay in laga wada hadlayo minimada Somaliya iyo soo celinteedii, “Waanan ku rajo weynahay inay timaado.” Ayuu yidhi Xasan Sheekh, waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata uu sheegay inay Somaliland iyo Somaliya ku wada shaqaynayaan xayndaab ah soo celinta midnimadii Somaliya “Waxaanu ku shaqaynaynaa xayn daab ah inaanu isku raacno inay Somalia midaysnaato.” Ayuu yidhi, “Laakiin, sidee, qaabkee iyo nooca uu xukunku noqon doono waa su’aalo marka dambe iman doona, balse hadda waxa la isku dayayaa in la qaado caqabadaha ka horimanaya midnimada.” Madaxweyne Xasan Sheekh oo maamula dawlad tamar daran oo ay ilaaliyaan ciidamada AMISOM ee qaaradda Afrika, ayaa wuxuu hadalkiisu u muuqdaa inuu wada hadalada ula kacayo sida uu jecelyahay. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isna dhinaciisa dhawr goor cadeeyay in ujeedada wada hadaladu tahay sidii ay Somaliland u noqon lahayd qaran buuxa.
Source:Geeska Afrika

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.