Madaxweynaha Somaliland Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirkii Boosaha Iyo Taliyihii Ciidamadda Badda.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa xilkii ay Qaranka u hayeen Dikreeto Madaxweyne kaga qaaday Wasiirkii Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, iyo Taliyihii Ciidamadda Badda sidaana waxaa lagu sheegay War-saxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo u dhignaa sidan.

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay,JSL/M/XILQ/249/1-3973/042016 uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday, Wasiirkii Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Taliyihii Ciidanka Badda Somaliland.
Digreetada Madaxweynuhuna waxay u dhignayd Sidan:-

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

Ø Ku: Mudane, Maxamed Jaamac Abgaal,
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
Og: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Mudane,
Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Mudane, Cismaan Garaad Soofe, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

Ø Ku: Sarreeyo Guuto, Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane),
Taliyihii Hore ee Ciidanka Badda JSL
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Mudane,
Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.