Madaxweynaha Somaliland oo soo saaray farriin hambalyo ah oo la xidhiidha sannad-guurada 55aad ee ka soo wareegtay waqtigii xornimada laga qaatay Ingiriiska

0

Hargeysa (Sayruuq)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in caalamku hab dawladnimo ah ula macaamilo dalka Somaliland, balse aan weli wax ictiraaf ah laga helin adduunka.

madaxweynaha

Madaxweyne Siilaanyo oo soo saaray maanta hadal uu ugu talogalay sannad-guurada 55aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland xornimada ka qaaday Boqortooyada Ingiriiska 26 June 1960, waxa uu yidhi; “Dadka reer Somaliland in badan ayey ku taamayeen, una soo dagaalameen, una soo halgameen inay helaan xoriyadooda, maantana waynu ka tirsanahay dunida inkasta oo aynaan haysan ictiraaf buuxa, haddana caalamku wuu inala dhaqmaa oo wuu inala shaqeeyaa, waxna wuu inala qabtaa, meel wanaagsana waynu maraynaa, waxayna ku xidhan tahay inag dadnimadeenna iyo wada-jirkeenna in aynu u muujino dunida kolba halka aynu marayno iyo inaynu ku xoogaysano oo aynu ku faano qarannimadeeda ay waajib inagu tahay.”

Waxa kaloo madaxweynuhu hambalyo u diray shacbiga reer Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxa aannu u dabaaldegaynaa 55 guuradda ka soo wareegtay xorriyaddii Somaliland, waxaanan dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan u dirayaa hambalyo aad u ballaadhan.”

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Ilaahay ka baryey inuu Somaliland ku gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo sannadkan kiisa kale, isla markaana ay ictiraaf buuxa ka helaan beesha caalamka.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.