Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Jabuuti Ku Bogaadiyay 38 Guuradii Xornimadooda

0

Hargeysa (Sayruuq) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa hambalyo daaran sanad guurada 38aad ee ka soo wareegay maalintii ay xornimada ka qaateen gumaystihii Faransiiska wadanka Jabuuti u diray shacabka iyo dawladda jamhuuriyadda Jabuuti.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka madaxtooyadda Somaliland oo dhignaa sidan:“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isaga oo ku hadlayaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu Dhambaal hambalyo ah u dirayaa Dawladda aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay maanta ku beegan tahay Xuska Sanad Guuradii 38aad ee ka soo wareegtay Markii ay Xornimada ka qaateen Gumaystihii Faransiiska (France) 27-June-1977kii. Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadinayaa Dawladda Jabuuti ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle horumarka ay ku talaabsadeen Xukuumadiisa iyo shacbigiisuba mudadaasi ay madaxa banaanida haysteen.

waxaanu Madaxweynuhu xusay xidhiidhka qotada dheer ee labada dalka ka dhexeeya oo ah mid walaaltinimo, iskaashi, iyo isfahan ku qotoma iyo dedaalka labada dhinac ugu jiraan guud ahaan adkaynta nabad gelyada iyo xasillooni Geeska Afrika.

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawlada Jabuuti xornimada iyo horumarka 38 jirsaday ee ay ku naaloonayaan maanta, isagoo u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.