Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Wakiilka Kenya Iyo Safiirka Wareega.

0

Hargaysa(Sayruuq) Madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiyidoona dalka Kenya iyo Safiirka Wareega. Sidaana waxaa lagu sheegay War-saxafadeed uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooyada kaas oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Shabakada Wararka ee Somalilandtoday.com, wuxuuna u dhigna isagoo dhmaystiran sidan.

axmed-siilaanyo1
WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3714/122015 ku magacaabay Danjireyaal cusub.
Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dallalka dibeddu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya iyo wakiilka wareega ee Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu La-tashaday: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah.

Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.
In Mudane, Raabi Cabdi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large).

ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.