Madaxweynaha Somaliland Oo Hargeysa Ka Ambabaxay, Kana Hadlay Sharciyadda Uu Kursiga Ku Fadhiyo

0

Hargeysa(Sayruuq)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Hargeysa, waxaanu u sii jeedaa Ceerigaabo. Madaxweynaha ayaa ujeedka socdaalkiisa lagu sheegay inuu xadhiga ka jarayo qaybo jidka Ceerigaabo ah oo la dhammaystiray.

 

Madaxweynaha oo ka hor socdaalkiisa Madaxtooyada kula hadlay saxaafadda waxa uu difaacay sharcinimada go’aankii golaha guurtida oo uu ku sheegay mid dhaqan gal ah islamarkaana guurtidu xaq u lahayd. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ogol yahay heshiiskii asxaabta oo uu ku tilmaamay xal siyaasadeed.

 

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay In sharciyadda uu kursiga ku fadhiyaa la mid tahay tan Guddoomiye Cirro xilka wakiillada ku hayo maadaama labadooduba ku fadhiyaan muddo kordhin guurtidu samaysay.

 

Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ayaa loo qaadan karaa mid uu indhaha bulshada kaga jeedinayo muranka siyaasadda maadaama bari oo 27, July ah ay kaga eeg tahay muddo xileedkiisii sharciga ahaa wakhtiga loo kordhiyayna wali muran ka taagan yahay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.