Madaxweynaha Somaliland oo Dhambaal Tacsi ah u Diray Madaxweynaha Jabuuti

0
Madaxweyne Biixi Oo Laga Sugayo Inuu Golihiisa Xukuumadda Ku Sameeyo Xil Ka Qaadis Iyo Isku Shaandhayn

Madaxweynaha Somaliland oo Dhambaal Tacsi ah u Diray Madaxweynaha Jabuuti

Hargeysa(Sayruuq)-Madaxweynaha Somaliland Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, wuxuu dhambaal tacsi ah u diray ehelada, qaraabada iyo shacbiga Jabuuti oo uu ka tacsiyadeeyey Geerida ALLE ha u naxariistee Marxuum Almis Maxamuud Xayd oo maanta ku geeriyooday dalka Faransiiska.

Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray Afhayeenka madaxtooyada oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabkadda  Wararka ee Sayruuq.com, kaasi oo u qornaa sidan:-

Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuum Almis Maxamuud Xayd oo ku geeriyooday maanta dalka Faransiiska. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti iyo qoyska reer Maxamuud Xayd.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.