Madaxweynaha Somaliland Oo 100 Kun Oo Dollar Ugu Deeqay Jidka Isku Xidha Hargeysa iyo Bali-gubadle

0

London (Sayruuq)-Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku sugan Magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa lacag dhan $ 100.000 doollar ugu deeqay dhismaha jidka Balli-gubadle iyo Hargeysa.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo dadweyne badan oo reer Hargeysa ah isaga iyo Masuuliyiin kale ay Saaka kala qaybgaleen Saaladdii Ciidul-fidriga oo ay ku tukadeen Garoonka Kubbadda Cagta ee Hargeysa Stadium, ayaa halkaa ka sheegay in uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo soo wakiishay, isla markaana uu lacag dhan Boqol Kun oo Doollarka Maraykanka ah kaga qayb-qaatay dhismaha jidka isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Balli-gubadle.
sii

Xildhibaan Nacnac waxa uu sheegay in Madaxweynuhu isaga u soo wakiishay inuu Munaasibadda Ciidda ee maanta oo qorshuhu ahaa in waddada Balli-gubadle iyo Hargeysa Dhaqaale looga ururiyo dadweynaha iyo Masuuliyiinta kala duwan ee Ciid kasta ku tukada Hargeysa Stadium inuu ka sheego Lacagtaas Madaxweynuhu ku deeqay si ay Guddiga gacanta ku haysa dhismaha iyo Dhaqaalaha Waddadaas ay u diiwaangeliyaan ama ay ku darsadaan Dhaqaalaha Waddada ee ay ku xisaabtamayaan.

Dadweynaha Salaadda Ciidul-fidriga ku tukaday Saaka Garoonka Kubbadda Cagta Hargeysa Stadium ee magaalada Hargeysa oo isugu jiray Ganacsato, Culimo, Masuuliyiin kala duwan oo dawladda ka tirsan iyo qaybaha Bulshada, ayaa Dhaqaale Fiican ay Dhismaha Waddada Balli-gubadle iyo Hargeysa isku xidha ay ugaga yabeen Masuuliyiin, Ganacsato iyo dad kaleba, kuwaasoo qof waliba intii uu awoodday ama uu ugu talo-galay inuu Jidkaas kaga qayb-qaato halkaas kaga yaboohay, isla markaana ay Guddiga hawshaa Waddada waddaa Diiwaangeliyeen Magacyadooda iyo qof waliba Xaddiga Lacagta uu ku darsadanayo dhismaha Waddadaas.

Xukuumadda Somaliland, ayaa hore Boqol Kun oo Doollarka Maraykanka ah ugu Deeqday dhismaha Waddada isku xidha jidka u dhexeeya Balli-gubadle iyo Hargeysa, Lacagtaas oo uu Bishii Ramadaan ee shalay dhammaatay curashadeedii maalmo ka hor uu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ku wareejiyey Guddiga dhismaha Jidka isku xidha magaalooyinka Balli-gubadle iyo Hargeysa, taasoo uu sheegay inay Xukuumaddu kaga qayb-qaadanayso dhismaha Waddadaas.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.