Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigiisii Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Ireland

0

Hargeysa (Sayruuq)-Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Gaadhay Dalka Ireland Si Balaadhana Loogu Soo DhaweeyayWaftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Gaadhay Dalka Ireland Si Balaadhana Loogu Soo Dhaweeyay.

Dublin-Ireland Weftigii uu hoggaaminaayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa gaadhay dalka Ireland, waxaana garoonka Caalamiga ah ee Caasimadda Dublin ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Arrimaha debadda ee Ireland, Xubno ka tirsan Safiirada Somaliland iyo La taliyaal. Sidoo kale waxaa Waftiga Madaxweynaha Si weyn u soo dhaweeyay Jaaliyada rer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ireland.

 

Weftiga uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Silaanyo, waxa xubno ka ah. Wasiirka arrimaha debadda, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Madaxtooyadda, Marwada koobaad iyo Xoghayaha Madaxweynaha.

Waxaana la filaaya inay kulamo la yeeshaan Madaxda ugu saraysa dalka Ireland. Geesta kale Waftiga Madaxweynaha Somaliland uu hoggaaminaayo Waxaa la filaaya inay kulan la qaataan Jaaliyada ku dhaqan dalka Ireland.

bixi iyo xirsi bixi sil 4 sil 5 sil 6 sil sil1 sil3

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.