Madaxweynaha Silaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Duulista Iyo Hawada.

0
Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa Maanta Xadhiga ka Jaray dhisme Cusub oo loo dhisay Wasaarada Duulista iyo dhawr Mashruuc oo laga Hirgaliyey Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa.
Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu Booqday Dhabada Diyaaraduhu ka haadan ee lagu kordhinayo Madaarka.
Wasiirka Duulista iyo Hawda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay Xadhig ka jarista Dhismaha Wasaarada Duulista iyo Hawda ayaa sheegay in ay ku baxday lacag dhan Labba Boqol iyo Siddeetan Kun oo Dollar, waxanu Tilmaamay in uu yahay Dhismahani mid aad u qurux badan oo loogu tallo galay wasaarada, Bilicda iyo quruxduna tahay mid soo jiidanaysa dadweynaha Reer Somaliland, waxa kale oo sheegay in mucaaridku yidhahdaan  Xukumadu waxba may qaban, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in ay tani tusaale cad u tahay waxqabadka Xukumada, waxa kale oo uu tilmaamay in Mashaarici kale oo farro badana ay xadhiga ka jarayaan kuwaasi oo ku yaalla madaarka .
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa uga mahad celiyey Shaqada uu qabtay Wasiirku, waxanu madaxweynuhu xadhiga ka jaray Dhismahaasi Cusub ee loo dhisay waasarada Duulista iyo hawdawaxa kale oo uu madaxweynuhu Kormeer ku soo maray qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Wasaaradu.
Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland waxa uu Xadhiga ka Jaray Dhawr Mashruuc oo laga hirgaliyey Madaarka kuwaasi oo isku jiray goobaha Dadka lagu soo dhaweeyo, Gobta ay dadku ka dhoofan, Meelaha dadka Dhoofaya lagu baadho, iyo Miishino cusub oo lagu qaadayo  lacagta lagu gallo madaarka. Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu Booqday Qaybta Runwayga ee Diyaaraduhu ka haadan oo lagu kordhinayo madaarka, waxa wakhtigaasi socday Dhismaha Runwayga lagu kordhinayey, waxanu madaxweynuhu Warbixin ka dhageystay Injineeradii dhisayey madaarka waxanay faahfaahin ka bixiyeen Hawsha ay ahayn Baaxada ay leegtay in inta Killomitir ee lagu kordhiyano, waxanu sheegay in ay gabogabo ku dhawdahay dhamaystirka qaybtaasi Runwayga lagu kordhinayo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.