Madaxweynaha Siilaanyo Oo Sadex Sarkaal Ku Tolay Janano

0

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa habeen hore munaasibada 18-ka May ku Tolay sadex sarkaal darajada Sareeyo Guuto (Janan).

Saraakiishan oo kala ah Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo ah Taliyaha Haw-galinta ciidanka Qaranka Somaliland, darajadiisuna ahayd Gaashaanle Sare ayaa laga dhigay Sareeyo Guuto ama Janan.

Cabdi Xirsi Ducaale oo ah Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland darajadiisa hore-na ahayd Gaashaanle Sare ayaa loo dalacsiiyey Sareeyo Guuto ama Janan. Xasan Cali Dheere Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland oo haystay darajada Gaashaanle sare ayaa la siiyey Sareeyo Guuto.

Darajada la siiyey sadexdan Janan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee la siiyo ciidan tan iyo intii Madaxweyne Siilaanyo hore usiiyey ciidamada kala duwan ee Dalka.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.