Madaxweynaha Oo Masuuliyiin Magacabay Qaarna eryay

0
Madaxweyne Oo Si Adag Uga Hadlay Taliyeyaal La Dilay

Madaxweyne Biixi Oo Masuuliyiin Magacaabay Qaarna eryay
Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa guddoomiyaha gobolka Daadmadheedh u magacaabay Nuur Cismaan Guuleed, halka uu ku xigeenka gobolka u magacaabay Maxamed Cali Axmed.

Madaxweyne Biixi waxa uu xilalkaasi ka qaaday guddoomiyihii hore ee Daadmadheedh Axmed Diiriye Cabdillaahi iyo kuxigeenkiisii Maxamed Cabdillaahi Cilmi (Xujaale).

Wareegtada madaxweynaha ayaa lagu yidhi “Sida aad la socotaan, xilka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejin doontaan Masuuliyiinta cusub ee aan u soo magacaabay xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh.”

Madaxweyne Biixi oo sheegay in uu la tashi sameeyay waxa uu tilmaamay in uu ku qancay aqoonta, kartida iyo waayo aragnimada masuuliyiinta cusub oo uu u arko in ay hanan karaan masuuliyadda uu u igmaday.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.