Madaxweynaha Oo Biyo Xidheen U Dhagax Dhigay Degmada Laasgeel

0

Hargeysa(Sayruuq)- Madaxweynaha iyo wefti uu hogaaminayay ayaa galinkii hore ee Isniinta gaadhay degmada Laasgeel, Halkaas oo uu madaxweynuhu dhagax-dhigay mashruuca dhaamka Xumbo-weyne oo kaydindooba biyo baaxadooda lagu qiyaasay 500,000 Metric Cubic.

Dhaamkan oo noqon doona mid dhaxal-gal ah waxa uu qaban doonaa biyaha buuraha ka soo rogmada ee badda ku shubmi jiray inagoon hore uga faa’iidaysan biyahaasi, waxaana loogu talo-galay in ay dadka deegaanku wax ku beertaan, dhinaca kalena uu kayd balaadhan u noqdo Caasimadda Dalka.

Madaxweynaha oo dhagax-dhiga ka dib halkaasi hadal ka jeediyey ayaa yidhi Waxaan jecelahay in aan Odayaasha Deegaanka uga mahadceliyo soo dhaweynta diiran iyo taageerada ay la barbar taagan-yihiin dawladda, taas oo inoo suurto-gelinaysa in aynu raacno dhabaha guusha meelna uga soo wada jeedno sidii dalka iyo dadkuba u dhismilahaayeen.
Waxaan si weyn ugu mahadnaqayaa Dawladda Imaaraadka Carabta oo inoogu deeqday dhaamkan iyo mid kale oo laga dhisi doono deegaanka Magaalada Laascaanood. Sidoo kale, waxay ka fulin doonaan mashaariic kale oo qiimo leh goobo kale oo muhiima.

Sidoo kale waxa halkaasi hadalo ka jeediyey Wasiirka Biyaha, Masuul ku hadlaayey afka shirkada gacanta ku haysa dhismaha dhaamka iyo Odayaasha deegaanka.

Iyadoo madaxweynaha hadhimo sharafeed balaadhan loogu sameeyey Beer weyn oo ku taala Deegaanka Xumbo weyne, isagoo madaxweynuhu shacabka deegaanka ku dhaqan kala hadlay barxad weyn oo ay isugu soo baxeen loona qorsheyey in madaxweynaha lagu soo dhaweeyo, halkaas oo ay isugu yimaadeen dad aad u tiro badan oo jewi wanaagsan iyo farxad ku qaabiley madaxweynaha iyo weftigiisa.

Ka dibna waxa madaxweynaha iyo weftigii uu hogaaminaayey ku soo laabteen caasimada Hargeysa ee Somaliland.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.