Madaxweynaha Maraykanka Oo Qudus U Aqoonsaday Caasimadda Yuhuudda

0

Hargeysa(Sayruuq).Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa iclaamiyay in uu magaalada Barakaysan ee Qudus u aqoonsaday caasimadda Yuhuudda. Waxa uu iska dhego tiro digniino ka soo baxayay hoggaamiyeyaasha dunida gaar ahaana Muslimka oo ku saabsan in arrintaasi uga sii darayso ammaanka gobolka.

Waxa uu sheegay in la gaadhay xilligii caasimadda Isra’iil noqon lahayd magaalada Qudus ee carriga Falastiiniyiinta “Waxaan go’aansaday in la gaadhay wakhtigii si rasmi ah loogu aqoonsan laha Qudus in ay tahay caasimadda Isra’iil,” Sidaas ayuu yidhi Mr Trump.

Waxa uu intaasi raaciyay in uu waaxda arrimaha dibada ee Maraykanka amray in ay diyaariyaan qorshaha safaaradda Maraykanka ee magaalada Tel Aviv ee caasimadda Israa’iil loogu soo rari laha magaalada Qudus.

Dawladda Falastiin ayaa sheegtay in arrintani dhex taallo Muslimiinta dunida iyo Kiristanka, islamarkaana uga sii darayso xaaladda ka dhex taaggan Isra’iil iyo Falastiiniyiinta oo dhabarka ku haya dunida Carabta. Arrintan ayaa sidoo kale dhaawacaysa dadaallo dunidu wayday oo ah sidii laba waddan loogu kala aqoonsan laha Isra’iil iyo Falastiin taas oo Maraykanku qayb ka ahaa laakiin, hadda loo arkay in uu diray farriin cad oo ah in uu taageersan yahay Yuhuudda.

Intii aanu Trump ku dhawaaqin go’aankiisa waxa tallaabadan ka digay hoggaamiyeyaasha dunida Muslimka iyo kuwa aan muslim ahayn intaba. Waxay sheegeen in ay cawaaqib xun oo amni darro ah ku keenayso ammaan darrada awalba ka taagnayd gobolka Bariga dhexe islamarkaana curyaaminayso nabadaynta Yuhuudda iyo Isra’iil.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.