Madaxweynaha La Doortay Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Suldaan Maxamed Xirsi Qani

1

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan gaar ah la qaatay Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka Somaliland gaar ahaana suldaanka guud ee beelaha Habaryoonis. Kulanka shalay lagama soo saarin wax war ah oo rasmi ah hase yeeshee waxa la sheegay in uu ahaa kulan codsigiisu ka yimid Madaxweynaha la doortay.

Xogo wargeyska Geeska Afrika oo Hargeysa ka soo baxa ka qoray arrintan ayaa sheegaya in kulanku daarna is laab-xaadhashada xurguftii doorashada iyo xanaftii ay bulshada ku reebtay. Madaxweynaha la doortay ayaa Suldaanka ka dalbaday in uu kala shaqeeyo isu soo dhawaynta bulshada ku kala qaybsamay siyaasadda. Madaxweynaha la doortay ayaa la sheegay in uu ballanqaaday wax kasta lagaga soo kabanayo xanaftii doorashada laguna kasbanayo midaynta iyo isu soo dhawaynta bulshada.

Sidoo kale Suldaanka ayaa taageeray dalabka Madaxweynaha, islamarkaana sheegay in ay waajib saaran tahay ilaalinta midnimada bulshada. Suldaanka ayaa hore uga shaqeeyay dejinta shaqaaqooyin ka dhashay doorashada oo ka dhacay magaalada Burco iyo meelo kale waxaanu door odaynimo ka qaatay aqbalaadii natiijada ee bulshada uu metelo.

Geesta kale waxa qorshaysan in Madaxweynaha la doortay maanta kulan kale la qaato ganacsatada iyo madaxda dhaqanka ee beelaha Garxajis. Hore ayay ganacsatadu ula kulantay Madaxweynaha iyaga oo aan dalabo gaar ah u gudbin laakiin, ka codsaday in uu caddaaladda ilaaliyo.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

1 COMMENT

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.