Madaxweynaha La Doortay Oo Durba Dareemay Culayska Ay Leedahay In Xukumad La Soo Dhiso

0
Madaxweynaha la doortay ee JSL Md Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha la doortay ee Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in uu jiro culays ka haysta magacaabista xukumaddiisa waxaanu iftiimiyay in dad badan oo u codeeyay ku nici doonan xukumadda uu soo dhiso. Madaxweynaha la doortay ayaa guddiyada ololaha ee xisbiga Kulmiye la shiray waxaanu ku baaqay in la isla fahmo dawladnimada la doonayo ee mustaqbalka leh.

Islaanta miyiga joogta waxay doonaysa Biyo, Tacliin iyo Waddo. Dadkii markay cashuurta bixiyaan ayay odhanayaan waad cunaysaan oo waa musuq ee maxaanu idiin siinayna waxbaba qaban maysaane. Dawladdana haddii inta u saraysa musuqa iskula dhici waydo oo odhan waydo ‘waar dee inagiiba wax wadna’ waxba tari maayo mid yar oo la qabtay,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha la doortay.

Waxa kale oo uu sheegay in aanu xisbiga Kulmiye isla fahansanayn maxa musuq ah  ama eex ah, islamarkaana uu diyaar u yahay in dad badan oo codka siiyay ay ku nacaan dawladda uu soo dhiso “Eexda haddii la macneeyo islama garanayno, Musuqa islama garanayno, Hufnaanta islama garanayno, Dawladda waxaynu ka doonayno islama garanayno, Waxa Qarankaba haddii aynu reer qudha u dhiibno ma raalli gelin karno, waanay I sugaysa barrito ‘fartaydii eedayeey’ iska diyaar baan ahay anigu laakiin, raggiina xisbiga ee siyaasadda in ay ku sii jiraan doonaya waa xal loo baahan yahay in aynu helno. Wax badan buu u baahan yahay xisbigu in uu isla fahmo, wax badan bay tahay in aynaan isku qarin waayo waxaynu isku qarina wuu inagu qarxaya,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Bulshada Somaliland ayaa si weyn u hadal haysa Xukumadda uu soo dhisi doono Madaxweynaha la doortay iyada oo imbadan ku talinayso in uu dawlad kooban oo tayo leh soo dhiso, hase ahaatee bulshada ayaa u muuqata mid raalli ku ah in la iska wada dhex arko xukumadda, islamarkaana muraayadda ugu horaysa ee lagu eegi doona noqoto mid ku salaysan saami qaybsiga beelaha iyo sida kuraasta waaweyn loo kala helo.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@Sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.