Madaxweynaha La Doortay Muxuu Ka Yidhi Tayada iyo Dheellitirnaanta Xukumadda Uu Soo Dhisayo?

0
Madaxweynaha la doortay ee JSL Md Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay tayada golaha wasiirrada uu soo dhisi doono iyo isu dheelitirnaanta dhinaca ragga iyo dumarka iyo waliba beelaha waxaanu sheegay in ay noqon doonan dad karti leh oo shaqada loo igmaday ka soo baxa.

“Waxa aan maamuli doonaa gole wasiirro ah oo kartidoodu aad u sarrayso, kuna xeeldheer shaqada loo igmaday. Anniga oo sida oo kale aad u tixgelinaya isu-dheellitirnaanta ragga iyo dumarka iyo in dadka Somaliland-na ay sidii hore si ka badan uga wada dhex muuqdaan,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha la doortay oo maqaal Af Ingiriisi ah ku qoray warbaahinta caalamka.

Madaxweynaha la doortay waxa uu sheegay in uu wax ka qaban doono ammaanka Qaranka, kor u qaadi doono dhaqaalaha waddanka, dhiiri gelin doono maalgashiga isaga oo ammaanay maalgalinta DP World. Sidoo kalena waxa uu sheegay in uu wax ka qabanayo waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada la midka ah ee dawladda laga sugayo.

Bulshada Somaliland ayaa si weyn indhaha ugu haysa dawladda uu soo dhisi doono madaxweynaha la doortay. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in la koobay tirada wasaaraddaha laakiin, ilaa hadda ma jirto saadaal ku saabsan cidda ku soo bixi doonta liiska golaha wasiirrada. Dadka ayaa si weyn u taageersan in aan la soo celin wasiirradii xukumaddii Siilaanyo.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.