Madaxweynaha Kenya Oo U Ballanqaaday Xasan Sheekh Maxamuud Inuu Booqsho Ku Tagi Doono Magaalada Muqdisho.

0

Madaxweynaha dalkaasi Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta, kadib wada hadalo labo maalmood uga socday magaalada Nairobi, kaasoo laga soo saaray war murtiyeed dhowr qodob ka kooban.

Labada Madaxweyne ayaa sheegay inay xoojinayaan xiriirka labada dal u dhaxeeya, isla markaana wadaaga waxyaabo badan sida walaaltinimada iyo dhaqanka.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa aqbalay in mustaqbalka dhow inuu booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho, isaga iyo Madaxda Urur Goboleedka IGAD, si ay u arkaan horumarka ka jira dalka, sidoo kale ay arkaan xaqiijinta ammaanka iyo xasilinta ka socota Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Soomaaliya ay si dhaw ugala shaqeynayaan dhinacyada nabadgelyada iyo ammaanka, waxaana uu xusay in labada dal ay adkeyn doonaan ammaanka xuduuda ay wadaagaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay arrinta qaxootiga ayaa sheegay in mabda’ ahaan ay isku waafaqeen in qaxootiga dalkooda ku laabtaan, balse arrintaas loo marayo si nidaamsan oo degenaan leh, isla markaana ku jirin si qasab ah.

War murtiyeedkii laga soo saaray wada hadalada labada Madaxweyne ayaa dhigayay in dib u celinta qaxootiga ay noqoto mid khiyaari ah, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii saddex geesoodka ee Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobey.

Dowladda Kenya ayaa ka soo dabacday go’aankeeda ahaa inay dhamaadka sanadkan ay gebi ahaanba xireyso xerada qaxootiga Dhadhaab, halkaasoo ay ku nool yihiin illaa nus milyan ruux oo qaxooti ah.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.