Madaxweynaha Jabuuti Oo Turkiga Lagu Maamuusay

0

Ankara(Sayruuq) Jaamacadda Ankara Yildirim Beyazit University (AYBU) ee dalka Turkiga ayaa madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ku abaalmarisay shahaado sharafta ah honorary doctorate. Dr Geelle oo ka hadlayay munaasibad jaamacadda lagu qabtay ayaa sheegay in iskaashiga Jaamacadaha Turkiga iyo Jabuuti maalin walba kobcayo. Waxa uu sheegay in ugu yaraan 520 arday oo Jabuutiyaan ahi wax ka bartaan Turkiga kuwaas oo 13 ka mid ah ku jiraan jaamacadda AYBU.

Madaxweyne Geelle oo ka hadlayay maamuuska ayaa sheegay in marka uu eego siyaasiyiinta ka horeeyay ee lagu abaalmariyay shahaadadan uu dareemayo in si weyn loo sharfay. Madaxweynaha Turkiga ayaa ka mid ah dadka ay jaamacaddu shahaadadan siisay oo ay isaga siisay 2015.

Madaxa Jaamacadda AYBU Mr Metin Dogan ayaa sheegay in shahaadadan la siiyo dadka noloshooda u hibeeyay wax u qabashada dadkooda iyo dalkooda. Jaamacaddan ayaa ah mid dawli ah oo la aasaasay 2010-kii.

Madaxweynaha Jabuuti iyo wefti sare oo uu hoggaaminayay ayaa dalka Turkiga ku joogay bookhasho rasmi ah oo laba cisho ah. Waxa ay kulmeen Madaxweyne Erdogan iyo madax sare oo kale. Labada dal ayaa sheegay in ay kor u qaadayaan iskaashi dheeli tiran oo dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda ah.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.