Madaxweynaha Jabuuti Oo Ka Hadlay Go’aanka Maraykanku Ka Qaatay Magaalada Barakaysan Ee Qudus

0

Jabuuti(Sayruuq) Madaxweynaha Waddanka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku sheegay in magaalada barakaysan ee Qudus tahay caasimadda Isra’iil. Waxa uu sheegay in go’aankani xoojinayo dhammaan noocyada argagixisada iyo xididadeeda.

Go’aanka Maraykanku qaatay waa mid nasiib darro ah. Kaliya maaha in uu gabi ahaanba ka soo horjeedo sharciga caalamiga ah laakiin, waa mid xoojinaya dhammaan noocyada xagjirnimada,” Sidaas ayuu ku yidhi farriin uu Madaxweyne Geelle ku qoray boggiisa Twitter-ka.

Sidoo kale guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ganafka ku dhuftay dhawaaqa Maraykanka waxaanu taageeray xaqa ay Falastiin u leedahay Qudus. Qoraal dawladda Soomaaliya soo saartay ayaa lagu cambaareeyay go’aanka Maraykanka waxaana lagu taageeray dalka iyo dadka Falastiin.

Geesta kale dawladdaha Muslimka  iyo dalalka ugu awoodda badan Yurub ayaa ka soo horjeestay in caasimadda Isra’il noqoto magaalada barakaysan ee Qudus oo la doonayo in ay noqoto caasimadda Falastiiniyiinta.

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.