Madaxweynaha Gaana Oo Jeediyay Hadal Madaxweynaha Faransiisk a Shoog Ku Riday

0
Madaxweynaha Faransiista iyo Madaxweynaha Gaana

Hargeysa(Sayruuq) Su’aal todobaadkan la waydiiyay Madaxweyneyaasha Faransiiska iyo Gaana oo shir jaraa’id kuwada qabanayay caasimadda Gaana ee Accra ayaa sababtay in jawaabta Madaxweynaha Gaana Mr Nana Akufo-Addo gilgisho dunida, islamarkaana uu taagnida xammili waayo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Su’aasha ayaa nuxurkeedu ahaa in Faransiisku doonayo in uu caawimadiisa gaadhsiiyo waddamada Afrika ee ka baxsan intii uu gumaystay oo uu hadda siiyo taageeradiisa ugu badan. Madaxweynaha Ghana ayaa ka soo horjeestay in Dalalka Afrika ku sii tiirsanaadaan caawimada Dunida oo ah cashuurta laga qaado bulshada reer Galbeedka waxaanu ka soo horjeestay taageerada farsamo iyo dhaqaale ee Afrika ka hesho Midawga Yurub, Maraykanka iyo hay’addaha caalamiga ah sida hay’adda Lacagta adduunka(IMF) iyo Baanka Adduunka(WB).

“Inta in ka badan ma sii wadi karno in naftayada siyaasad loo sameeyo, in dalkayaga loo sameeyo, in gobolkayaga loo sameeyo, in Qaaraddayada loo sameeyo iyada oo salka ku haysa taageero ay na siiyaan dunida galbeedka, Fransiiska ama Midawga Yurub. Ma shaqaynayso, hore umay shaqayn mana shaqayn doonto,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Gaana oo ku nuuxnuuxsanaya hadalka.

Madaxweynaha Gaana waxa uu sheegay in aanay jirin sabab baahiyaha aasaasiga ah ee dalkiisu ugu tiirsanaadaan caawimo uga timaadda cashuur bixiyeyaasha Midawga Yurub ama Faransiiska. Waxa uu sheegay in Afrika maalgashan karto baahiyaheeda aasaasiga ah oo ay lugaheeda isku taagi karto. Waxa uu sheegay in ay tahay qaarad qani ku ah khayraad qaali ah loona baahan yahay in laga faa’iidaysto.

“Dhallinyaradayada Tamarta ah ee ka tallaabaya Saxaraha iyo badweynta waxaanu doonayna in ay tamartaasi ka dhex shaqayso Waddamadayada,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Gaana oo dib ugu noqday taariikhda ay soo mareen Waddamada Yurub ee loo tahriibo iyo mushkiladihii haystay intii aanay tabcan.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.