Madaxweyne Silaanyo Oo Dhaqaan-galiyey Xeerka Diwaangelinta Codbixiyayaasha.

0

Hargeisa(Sayruuq)-  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta  meelmariyey ,dhaqan galka wax-ka-badel iyo kaabista xeerka diwaangalinta codbiyayaash ,kaaso warsaxafadded madaxweynuhu nuqul ka mid ah sayruuqnews soo gaadhay ayaa u dhigna sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2867/122014 ku meelmariyey, Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-27642/2014 ee

ku taariikhaysan 06/12/2014 ee ay ku ansixiyeen Wax-ka-bedelka

iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha

Xeer Lr. 37/2007

Wuxuu soo saaray Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.

 

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.